Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya inay Ismaamulka Amxaarada ka sii daayeen in ka badan 7,000 maxabiis ah sida ay sheegtay idaacadda FANA oo ku hadasho afka Dowlada Itoobiya.

Sida ay sheegtay idaacada FANA, Ismaamulka Amxaarada cafis u fidiysay 7,650 maxaabiis, kadibna xabsiga kasii deysay. Ujeeda laga leeyahay waxay aheed sidii looga hortagi lahaa cudurka Coronavirus ku faafay gudaha dalkaasi.

Sedaxda asbuuc oo u dambeysay waxaa cudurka Coronavirus ku dhacay 29 qof oo kala duwan sida ay sheegtay wasaarada caafimadka, taasna waxay welwel badan ku haaya Dowlada Dhexe iyo maamuul goboleed yada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.