Deegaanka Tigreega oo ka nid ah dawlad deegamada dalka Itoobiya ayaa dhawalahan baa xidhiidhka ka dawalada dhexe iyo deegaanku wanagsanayn ayado khilaafka ugu wayn ka bilowday muda kordhinta doorashada dalka ayado sabab uga dhigayso.

Dawlada dhexe, xanuunka caabuqa covid-19 dartii hadab arinka oo ay ka biyo diideen deegaanka tigrey ayaa waxay qabsadeen gudi doorosho oo iskood ah kana kooban 7 xubnoodyado todobaadkii laa soo dhaafay ay qabeen diwaangalinta kararka codbixinta lagu galaayo arinta oo maalintii shalay ahayd aqalka barlamaanka Itoobiya ku sheegeen shir ay lahaayeen arin sharci daro ah oo tastuurka dalka baalmarsan.

Sida darteed maanta ayaa waxa loga dareeri doona deegaanka tigray cod bixinta doorashada ayago wax alla waxay ciidan haysteen deegaanku soo dhoobeen xuduudaha deegaanka Axmaraada iyo Canfaarta kala wadagaan dhamaana waxa bandow lagaliyay magalooyinka wawayn ee deegaanka ayado si adag loo adkeeyay amaanka.

Dhanka dawlada federalka wax isbadal ah oo laga hayaa majirto oo ka ahayn dhaleecayntii aqalka faderationka dalka walow ay jiraan xayiraado lagu soo rogay duulimadadii diyaaradaha aadi jiray Maqaale iyo tareenka u kala goosha casimada Addis Ababa iyo magalaada Maqaale oo ah xaruunta deegaanka Tigreega.

Lama garankaro waxa dhici doona m bari ah lkin waxaa biyo kama dhibcaan ah inay dhici doonto doorashada deegaanka tigrey oo ku aadan maanta (9ka bisha september 2020)

Shafi Dulane – Halgan Media Jigjiga