Warbixin uu soo saaray ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxo Xaqjir  ay dileen dad ku dhow 75 ruux kadib banaanbaxyadii ka dhacay dil loo geystey fanaankii Hachalu Hundessa.

Hay’adan oo warbixintan daabacday maanta ayaa sheegtay dhammaan dadka ku dhintey shaqaaqadii ka dhacday dilkii fanaanka ay gaarayaan 123 ruux halka 500 oo kale ay ku dhaawacmeen.

“Qaar ka mid ah dadka la diley ayaa qoorta laga gooyay halka kuwo kalana jirdil loo geystey amaba wadooyinka lagu jiidjiiday.”ayaa lagu sheegay warbixinta.

Shaqaaqooyinkii dhacay bishii June iyo July ee sanadkii dhamaaday ayaa ka mid ahaa kuwii ugu waaweynaa ee ka dhaca dalka Itoobiya tan iyo markii uu xukunka la wareegey Abiy Ahmed.

Inkabadan lix kun oo ruux ayaa ku barakacay halka hanti faro badana lagu boobay rabshadahan oo la bartilmaameedsaday Amxaarada iyo Masiixiyiinta Orthodox.

Halgan Media