Gumeysiga Itoobiya ayaa agaasime cusub usoo magacawday mashruuca weyn ee lagu dhisayo biyo-xireenka Niilka Buluugan ee GERD.

Engineer Kifle Horo ayaa loo soo magacaabay agaasimaha mashruuca iyadoo ku xigeennadiisana ay noqon doonaan Engineer Epherem Woldekidan iyo Engineer Fekadu Kebede.

Magacaabista agaasimaha cusub ee mashruuca biyo xireenka GERD ayaa kusoo aadaysa labo bilood kaddib markii la dilay agaasimihii hore ee mashruuca Engineer Simegnew Bekele.

Simegnew ayaa July 26, 2018 waxaa meydkiisa oo madaxa xabbadi kaga taallo laga dhex helay gaarigiisa oo yaallay meel u dhow fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa.

Mashruuca biyo-xireenka Niilka Buluugan ee Itoobiya oo ay ku baxayso lacag dhan $4 bilyan, waa mashruuca horumarineed ee ugu weyn ee xilligan laga wado gudaha Itoobiya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.