Itoobiya ayaa markii ugu horreysay loo gacaan geeliyay in ay hoggaamiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee lagu Magacaabo AMISOM.

Jeneraal Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeedda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ka dib Munaasabad Kooban oo ka dhacday Xeradda Ciidanka AMISOM ee Muqdisho.

Waxaa uu xilka kala wareegay  Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo  shaqeynayay tan iyo bishii Janaayo 2018.

Francisco Caetano Madeira,  Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC),ahna madaxa AMISOM ayaa sheegay in ay tahay Markii ugu horreysay taliye ka socda Ciidanka Itoobiya lagu wareejiyo Hoggaanka Guud ee AMISOM.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.