Dowlada Xulafada ah ee Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa ku baaqay in waan waan laga dhex bilaabo maleeshiyaadka gooni u goosadka ah ee Koonfurta Yemen iyo Dowlada Caalamka uu aqoonsan yahay ee Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Al Hadi.

Maleeshiyaadka Cadan ayaa Sabtidii lasoo dhaafay awooda ciidan kula wareegay caasimada Cadan oo ahaaa xaruntii KMG ahayd ee Dowlada Yemen.

Dagaalkii maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Cadan ayaa bilowday kadib markii is rasaaseyn dhexmartay taageerayaasha Gooni u goosadka Koonfurta Yemen iyo Ciidamada Dowlada.

Sacuudiga ayaa isagu weli taageeraya Xukuumada Hadi isla markaana ku tilmaamay duulaanka maleeshiyaadka Cadan ay ku qabsadeen Madaxtooyada Cadan inuu ahaa Inqilaab militari.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.