Dawuud Ibsa oo Guddomiyaha  jabhada Oromada loo yaqaano OLF ayaa sheegay in dawladu kabaxday heeshiiskii asmara,

Daud ibsa ayaa sheegay in heshiiskii asmara uu dhigayay in labada dhinac kawada shaqeeyaan sidii ciidamada labada dhinac laisugu dhafi lahaa balse dawladu aysan umuuqan mid arintaasi hirgalinaysa,

Dawuud Ibsa ayaa intaa kudaray in masuuliyiinta jabhada laga hor joogsaday booqashada ciidamada OLF ee tababarku usocdo walow uusan cadaynin halka ay ciidamadaas lagu tababarayo iyo cida tababaraysa midna,

Guddiyaha Jabhada waxaa kaluu sheegay in weerar sharcidaro ah ay dawladu kuhayso deegaanada ay kusugan yihiin jabhada OLF wuxuuna khalad kutilmaamay ciidamada milatariga ee dhawaan lageeyay Gobolka Galbeedka Welega oo uusheegay arintaas ay sababtay dagaal dhexmara jabhada iyo ciidanka milatariga, isagoo hadalkiisa siiwatana wuxuu yidhi khasaaraha kadhasha dagaalkaas waxaa masuul ka ah OPDO oo uu ulajeedo Xukuumada Abiy Ahmed.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.