Jabhada Oromada ee OLF ayaa xilka ka qaday guddomiye Dawud Ibsa sida uu sheegay Kejela Merdassa oo ah afaheeynka Jabhada OLF, sida ay sheegtay idacaada Ezega.

Gollaha dhexe ee Jabhada OLF ayaa Bayaan ay soo sareen Axadii iyago oo sheegay inuu guddomiyaha geystay, kuna kacay dembiyo Iyo khiyaano ka dhan ah ururka, sidaa darteed xilka laga qadaay.

Sido kale, Gollaha Dhexe ayaa sheegay inuu Dawuud Ibsa ku fashilmay shaqadii loo igmaday kana kamid ahayd in ciidanka OLF ay ku biraan ciidamada dowlada federalka Itoobiya.

Ararso Bikila oo ah gudoomiye ku xigeenka Jabhada OLF ayaa si ku meel gaar ah loo magacaabay guddomiyaha Jabhada, inta ay gollaha dhexe soo dooranayan guddomiye cusub.

Dad badan oo falanqeyo siyasaada Itoobiya ayaa aminsan in khilaafka cusub ee ka dilaacay gudaha masuulyinta Jabhada OLF uu yahay mid ay ka dambeyso dowlada Itoobiya si mucaraadka loo kala jebiyo.

Halgan Media.