Jabhada Oromada ee Oromo Liberation Front (OLF) ayaa laba dhinac u kala jabtay. Bayaan maanta kasoo bahay Qaybta hubaysan ee Jabhada OLF ayaa sheegay inay ka Go’aan Qaybta Jabhada OLF oo hoggaminayo Guddomiye Dawuud Ibsa.

Khilaafkan cusub, ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii Qaybta hubaysan ee jabhada OLF ee sheegen inay dowlada Itoobiya dideen inay ixtiramaan Heshiishkii ay labada dhinac Ku saxiixeen magalaada Asmara ee dalka Eritrea, sidoo kale waxaay kusi darren in Guddomiyaha Jabhada Oromada Dawuud Ibsa inuu waxyaabo badaan Shacabka Oromada iyo sarakiisha Jabhada OLF ka Qarinayo kusabsaan heshiishka oo la saxiiyay dowlada Itoobiya.

Hoos Ka Akhriso Bayaanka Jabhada OLF

 

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.