Wararka naga soo gaadhaya gobolka Oromoiya ayaa waxay sheegayaan in ay kasii dareen kacdoonkii lagaga soo horjeeday Axmaraada waxaa kamida goobaha ugu sii daran goboladka Arsi Magaalada jima iyo waliba meel lagu magacaabo bul bulo oo dhinaca koonfur kaga beegan Ziway.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan dhalinyarada ay wadaan car car horleh oo ay ku muujinayaan inay kasoo horjeedaan dhibaatada ay maleeyshiyaadka Axmaraada kuhayaan shacabka Oromada kudhaqaan gobolka Wollo oo katirsan Ismaamulka Axmaraada.

Guud ahaan marxalada uu wadanku marayo ayaa ah mid qalafsan, waxaana lasaadaalinayaa inn hadii ay kacdoono cusub bilowday ay xaaladuhu is badali karaan dad badan oo shacab ahna ladhibaatayn karo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.