Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa xalay Muwaadin Soomaali ah ku dilay magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim, iyadoona burcadii dishay ay goobta isaga baxsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska iyo xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay.

Inta badan waxaa Koonfur Afrika ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dakaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.