Wararka naga soo gaaraya galbeedka Itoobiya ayaa ku warramaya in duhurnimadii maanta kooxo hubeysan ay 5 Qof oo shacab ahaa ay ku dileen deegaanka Teshome ee ismamuulka Benshangul.

Raggii ka dambeeyay dilkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeeya dilkaasi, mana jirto weli cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Ciidamada Federalka Itoobiya oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa baaritaano kooban ka sameeyay deegaanka Teshome, inkastoo aan la ogeyn natiijada howlgalladaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.