Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay gobolka Oromiya magaalada Jimma madaxweynayaasha dowladdaha Jabuuti iyo Sudan, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xassan Al-Bashiir.

War la soo dhiggay barta Twitter-ka ee  Ra’iisul Wasaaraha Abiy ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Sudan iyo Jabuuti lagu  casuumay daah furka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada  Jimma.

Madaxweynayaasha labada dal iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay halkaa ku yeeshaan kulamo muhiim ah looga wada hadli doono arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Iskaashiga saddexda dowaladdood, Itoobiya, Sudan iyo Jabuuti.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.