Laba Masjid ku yaalla magaalada Este katirsan gobolka Gonder ee ismamuulka Axmarada ayaa la gubay, iyada oo wax khasaare nafeed ah aan ilaa hadda la soo sheegin.

Labada masajid waxa dab la qabadsiiyey 2-dii saqdii dhexe ee xalay, sida ay wararka sheegayaan.

Magaaladan eeste waa magalaada ugu weyn koonfurta gobolka Gonder, waxaana wararku sheegaya in qoolada cunsuriyiinta kasoo jeedo Qomiyada Axmarada ayaa dab la begsaday masajidka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.