Laba qof oo Somali ah ayaa cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dalka ingriiska 48 saac u dambeysay sida ay sheegeen3 qaar kamid ah masuuliyiinta u qaabilsan Jaliyada Somalida, waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen magalaada London ee dalkaasi.

Sida aan xogta ku helnay Bashiir Gureey oo ka mid ahaa Ciyaartooydii hore ee qaranka Soomaaliya ayaa u geeriyooday xanuunka Coronavirus, dhinaca kale Layla Xasan Faarax Caliyoow oo degeneed isla magalaada London, ayaa u geeriyootay cudurka Coronavirus.

Dhimaashada labadan marxuum wuxuu imaanayaa maalin kadib markii uu cudurka Coronavirus u geeriyooday Raisaal wasaarahii hore Nur Cadde, sidoo kale waxaa maalintii isniinta magaalada London ku geeriyooday wiil dhalinyaro oo Somali ah oo jiray 13 sano.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.