Wararka nagasoo Garaay gobolka Doolo ayaa sheegay in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska howlgallo ballaaran ka wadan tuuloyinka ku yalla duleedka degmada Galaadi ee gobolkaasi.

Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa degmada Galaadi iyo duleedkeda ka bilaabay howlgalo guri ku guri oo lagu aruurinayo Qoryaha sharci darada. Qabalaha Barakacayaasha ku tallo duleedka degmada Galaadi ayay Liyuu Booliska galabta kasoo Qabteen sedax Qori siidi ay Xaqijiyeen dadka degaanka.

Maalmihii dambe Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa baaritaano xoogan ka waday degmooyinka ku yallo Bariga gobolka Doolo, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.