Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ee ku sugan gudaha degaanka Dhagafur ee bariga gobolka Doolo, waxaa maanta gelinkii hore ay jirdil xoogan u geysteen dad shacab oo aan waxba galabsaniin.

Dhibane Cabdirahman Adan Muuse ku magac dheer Macaalin Gorod oo ahaa Darawaal Gaari wata oo Reer Galaadi ah ayaa Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ku xidhay degaanka Dhagafur oo ku tallo xadka gobolka Doolo iyo dalka Soomaaliya, kadibna jir dhil xoogan u geysteen.

Xaalada Cabdirahman Adan Muuse ayaa laga soo dayrinayaa, waxaana ehelada macaalinku noo sheegen inuu aad u liita, uuna yaalo degaanka oo u dhashay ee Labile katirsan bariga Gobolka Doolo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.