Wararka nagaa soo garaaya gobolka Fafaan ayaa sheegaya inay Liyuu Booliska kala xidhen qayba kamid jidaadka muhiimka oo isku xidho gobolkaasi.

Ilo wareedyo oo aad lagu kalsoonan kaaro oo kusugaan gudaha gobolka Fafaan ayaa xaqiji in Liyuu Booliska lagu daadiyay qayba kamid jidaadka muhiim oo isku xidho gobolkaasi, waxaana kamid jidka isku xidho degaanka Ceelbaxay iyo xerada Qoloji oo kala xidhan sidoo kale jidka isku xidho xerada Qolaji iyo Degmada Baabili baa kala xidhan.

Waxaana gabi ahaanba la maamnucaay gaadhiyaasha inay soo maraan jidaadka aan kor ugu shacinay dadka Akhristiyaasha, sidoo kale waxaa la sheegay in ujeeda laga leyahay waxaay tahay in isku socodka la yareyo madaam ay cudurka Coronavirus ku faafay degaanada kala hoos imaado wixi loo yaqaano Itoobiya.

Arrintan ayaa samaayn weyn ku yelatay dadka kunool degaanadasi, gar ahaan ganacsiga madaam oo la mamnuucay safaarka dharka gaadhiga.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.