Masuuliyiinta ONLF ayaa kulan wada laqaatay wasiirka arimaha dibada itoobiya Workine Gebayow.

Kulanka oo kadhacay xafiiska wasiirka ee wasaarada arimaha dibada ayaa waxaa dhanka ONLF hogaaminyay Xoghayaha guud ee ONLf Mudane Abdirahman Mahdi iyo masuuliyiin kale.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii loo dhamaystiri lahaa qaybaha kahadhay heshiiskii casmara ee bishii October 2018.

Ugu danbayna labada dhinac ayaa isku afgartay in lasii dardar galiyo dhamaystirka shaqooyinka dhiman wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday is afgarad.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.