Wafdi uu hoogaminayo Sacid Abdullahi Deni ayaa ku wajahan degmada Galdagob ee galbeedka gobolka Mudug, iyagoo oo la kulmayo wax garaadka iyo qaybaha kala duwaan ee bulshada.

Balse xog hoos ay heshay Halgan Media ayaa sheegaysa in safarka madaxweyne Deni uu ku tagaayo Galdagabo uu salka ku haayo cules siyaasaded uu la kulmayo Deni madaama ay gebi ahaanba beesha Leelkase ay xukuumadisa mucaraadeen.

Markii tariikhda aheed 11ka Luulyo, ciidamada Puntland ayaa kuso dulay xafaada Garsoor oo katirsan Waqooyiga magalaada Gaalkacyo ay degto beesha Leelkase, waxaana dagaal fool ka fool socday hal malin iyo bar, waxaana ku nafwayay dad shacab oo aad u badan.

Islamarkii waxa biloowday inay beesha Leelkase, madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ku eedeyen inuu Xasuuq uu geystay beeshooda, kadibna geebi ahaanba ku xor jeesdan xukuumada Puntland

Safarka uu deni maanta ku tagaayo Galdagob ayaa noqonoyo markii labad ee 22 sano u dambeyay oo madaxweyne u qabilsan Mamuulka puntland oo cagta dhigay degaanka Galdagob.

Halgan Media.