Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Libaan ayaa sheegaya in maleeyshiyaadka Oromada inay dileen dad Soomaali ah oo isku ehel ah.

Dadka Soomaalida ah ee la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay Maleeshiyaadka Oromada kala dageen Gaari ay saarnaayeen. Goobjoog ka mid ah ehelada dadka la dilay ayaa sheegay in Afar Ruux lagala degan gaari ay sarnaayeen oo ku wajahnaa magalada Nageyle isla markaana dhammaan la dilay.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay Maleeshiyaadkaas ka soo badbaadeen Nin iyo laba cunug uu watay,balse kuwii kale ay maqan yihin. Waxa uu hadalkiias raaciyey in dadka la dilay ay dhammaantood ahaayeen Shacab aan waxba galabsan laguna soo wargeliyey in meel banaanka ah lagu dilay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.