Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in maleeyshiyaadka Liyuu Boliska ay shacab kulayeen tuulada Qul-Qul oo udhow magalaada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar.

Maleeyshiyaadka Liyuu Boliska ayaa wiil dhalinyaro dileen iyo mid kale dhawaac xun ugaysteen markii sii naxaris laan ay dadka goobta joogay rasaas kufureen. Wilka dhawaac gadhay ayaa la’gayay isbitaalka kuyaalo magalaada Dhagaxbuur kadib haga ayuu ku geeriyooday.

Falkii waxshinimada lahaa ee Liyuu Boliska maanta ka gaysteen tuulada Qul-Qul waa mid dhaqan u ah gumeysiga oo maalin walba ka gaystaa dhamaan dhulka Ogadenia. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.