Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan gobolka Doolo ayaa waxay sheegayaan in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay dad shacab ah ku xidh xidheen degmada Bookh oo katirsan gobolka Doolo.

Maleeyshiyaadka wax magaratada ah ee gumaadka iyo xasuuqa ku haya shacabkooda ayaa waxay maanta xidheen Qar kamid masuuliyanta ee manuulka degmada Bookh, waxaana la sheegay in la geeyay Saldhiig ku yallo degmada Bookh.

Dadka la xidh xidhay ayaa waxaa nasoo gaadhay qaar kamida magac yadooda waxaana kamid ah.

  • Cabdiwali shoonbe (Madaxa xafiiska Maaliyada)
  • Caweeye Maxamud (Maareeyaha Wakaalada Dakhliga)
  • Maxamed (Madaxa xafiiska Biyaha)
  • Ciiro (Madaxa xaafiiska isportiga)

Weli lama ogow sababta loo xidhay. Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.