Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka qarax tuuloyinka udhow degmada Tuliguuleed kadib markii ay maleeyshiyaadka Oromada iyo ciidamada gumaysiga itoobiya oo iskashanayo ay weerar kuso qadeen shacabka Somalida oo waxba galabsanin.
Dagaalka wuxuu sii xun ka qarax tuuloyinka kala ah Sandacare, Sheekhmadow, Feedhacad, Agaajin, Abeeba, Geelaa, Hoosaale, Dhuxulalay, Dharcaseeye Iyo Geedcaanood. Ugu yaraan waxa la xasuuqaay 8 qof oo Somali ah iyo 9 kale ayaa dhawaac garaay.
Sidoo kake goobjoog kusugaan degmada Tuliguuleed ayaa idacaada Halgan Media u sheegay inay caawa degmada Tuliguuleed kabuxaan ciidamada gumaysiga itoobiya iyo in degmada loogu roogay bandow kadib markii la xasuuqaay shacabka Somalida.
Dadka la dilay waxaa kamid ah.
- Mascuud Maxamed
- Ilyaas Ahmed
- Guleed Xussen
- Khadir Nasir
- Cabdiweli (Aan magaciis sedaxad helin)
- Guleed Maxamed
- Abiib Cabdullahi
- Maxamud Ibraahim
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.