Ciidamo katirsan mamuulka Jubaland ayaa xabsiga dhigay sarkaal katirsan mamuulkaasi, markii sarkaalka si kulul uga hadlay gabar dhawaan si arxan darro ah loogu dilay magalaada Qabridahare katirsan dalka Ogadenia, taas oo lagu magacaabaye Taysir Cumar Food.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Mukhtar Badal Gaboose ayaa baahiyay muqaal oo kaga hadlayay dhacdadaasi oo la sheegay inay ka dambeeyeen maleeyshiyaadka Liyuu Bolis. Waxaana uu ku eedeeyay dilkaasi qabil gaar ah, isaga oo farin hanjabaad ah u diray shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.