Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya inuu khilaafka u dhaxayso Mamuulka Tigreega (TPLF) iyo Dowlada Federalka (OPDO) sii xoogaystay.

Madaxweyne kuxigeenka Ismaamulka Tigreega Abraham Tekeste oo Warbaahinta maanta lahadlay ayaa cambaraya Go’aanka ee Qadeen dowlada federalka kusabsaan in Tirakooba dib loo dhigo, wuxuuna sii sheegay inay dowlada federalka ku xadgudbay dastuurka federalka ee dalka Itoobiya.

Abraham Tekeste ayaa eedayn culus dusha usaaray xukuumada Abiye Axmed oo uu kusheegay inay sii sharci darro ah dib u dhigeen Tirakooba ayaga oo Barlamaanka EPRDF la tashaniin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.