Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysaa in kumanaan ciidan ah oo ka joogo dalka Afqanistaan ay kala soo baxdo halkaasi, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.
Warbixinta lasoo saaray ayaa soo xigatay saraakiil aanan magacooda la sheegin, kuwaas oo sheegay in 7000 oo ah kala bar ciidammada Mareykanka ee hadda ku haray Afqanistaan laga soo saari doono muddo bilooyin gudahood.
Arrintan ayaa imaaneysaa maalin kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaca ka qaaday in ciidamadiisa ka joogo Suuriya uu kasoo saari doono. Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa shaaca ka qaaday in arrintan darteed uu isku casilay.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.