Taliska AFRICOM oo u qaabilsan howlgallada Militariga ay mareykanka ka fuliyan qaarada Afrika ayaa sheegay masuuliyada duqeyn ka dhacday Soomaaliya.

Sida ay bayaanka kusoo qoraan AFRICOM, waxay Diyaaradaha Mareykanka loo yaqaano Drones-ka duqeyn ka fuliyeen tuulada Buush Madina oo katirsan gobolka Bay.

Sidoo kale Mareykanka waxay kusii dareen sedax dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa ku dhintay duqeynta, waxayna duqeyntan tahay tii 33aad ay Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya sanaadkan gudihiisa.

Dowladda Mareykanka ayaa aad usii kordhiysay duqeymaha ay ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana u badan duqeymahaas ku wax yeelooba dad rayid ah oo waxba galabsan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.