Qoraal ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Africa ee loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Magaalo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo  kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 23/2/2020  ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen Magaalada Dujuumma oo qiyaastii  6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay  la beegsadeen xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dhawaceen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen  ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka  Al-Shabaab,sida uu sheegay Janeraal Gregory Hadfield, ku xigeenka Agaasimaha sirdoonka Mareykanka ee taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika.

Qoraalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in la sii  wadi doono howlgallada ka dhan ah Ururka Al-Shabaab si loo yareeyo  awoodooda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.