Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa waxaa in muddo ah dhex yaallay is af-garad la’aan dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo la dagaalanka argagaxisada oo ay  labada dal ku dadaalayeen inay xal u helaan ama ay isku af-gartaan.

Sudan ayaa Masar ku eedeyn jirtay in ay taageero dhanka hubka ah siiso falaagada iyo mucaaradka ka dagaalama dalka Koonfurta Suudaan, halka Masarna ay Sudan ku eedeyn jirtay in ay la safatay ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ah mucaaradka xukuumadda Al-Sisi.

Si khilaafkaas xal loogu helo ayaa waxaa wada kulmay labada hoggaamiye ee labada dal, Sudan iyo Masar, waxaa uu kulanka ka dhacay magaalada Khartoum ee caasimadda Suudaan.
Wada hadal dheer ka dib, labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ku heshiiyeen in ay meel iska dhigaan khilaafyada ragaadiyay xiriirkii wanaagsanaa ee labada dal.

Sidoo kale waxaa ay isku af garteen in ay sameeyaan ciidamo isku dhaf ah, kuwaas oo oo ka kala imaan doona labada dal si loola dagaalamo argagaxisada iyo kooxaha falaagada ah oo dhibaateeya masuuliyiinta dowladda.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Al-Sisi booqashada uu Sudan ku imaaday si looga wada hadlo aayaha iyo danaha labada dal iyo in la dar dar geliyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal eek u aaddan la dagaalanka argagaxisada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.