Wararka nagasoo gaadhaya Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta la sii daayey,labo wasiirro ah oo ka tirsanaa mamuul kusheega Jigjiga oo ku xirnay magalaada Hargeysa.

Labbadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad iyo wasiirkii hore ee cadaalada Cabdijamaal Axmed Qaloombi,kuwaasi oo 21-kii bishan ciidammada ammaanka ay ka qabteeyn garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, iyagoona la sheegay in ay ku wajahnaayeen magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Xubnihii ka tirsanaa maamul kusheega Cabdi Iley ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa in ay xadgudubyo gaysteen, inkastoo aysan jirin cid weli maxkamad loo soo taagay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.