Wiil Soomaaliyeed oo 14 jir ah oo lagu magacabi jiray Xasan Maxamed ayaa saakay meydkisa laga helay webiga ku yallo goob lagu dhalxiso oo la yiraahdo Rotary Water Park oo ku taallo magaalada Edmunton ee gobolka Alberta ee wadanka Canada.

Sida ay sheegtay  idacaada Canadian Broadcasting Corporation (CBC) oo ku hadasho afka dowlada Canada, wilka ayaa ku dhacay webiga, kadibna biyaaha  qaaday, waxaana meydiska la raadinayay sedax  Maalmood, maantane meydkiisa la heley.

Ilahay ha  u naxariisto Xasan Maxamed wuxuu ahaa curadka waalidkisa , wuxuuna ka tagay sideed (8) walaalo ah oo isaga ka weeynaa sida u sheegay aabahisa Cabdi Axmed xili u wareysi siinayay idaacada CBC.

Geerida wilka ayaa noqotay mid aad uga nixisey jaaliyada Soomaalida ku nool magaalada Edmonton iyo guud ahaanba Canada.

Halgan Media