Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay ka go’an tahay sare u qaadidada taageerada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

War qoraal ah ayuu Ururku ku sheegay inay xoojinayaan taageerada ay xukuumadda federaalka ka siiyaan dhanka dimoqraadiyada iyo horumarinta dadka.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in dowlada federaalka uu ka caawin doono dhismaha hay’addaha dowladda iyo xoojinta cadaaladda.

Bayaanka ayaa lagu xusay in taburacaadooda ay sidoo kale ku qotonto sidii Soomaaliya u noqon lahayd dal xasiloon.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.