Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo Maalmeedka.

Kooxda ayaa weerartay Yaasiin Maxamed Xasan, isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla Magalaada Rustanburg ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku kordhay dilalka loo geysto Soomaalida,waxaana habeen ka hor Magalada Cape Town lagu dilay muwaadin Soomalaiyeed oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Maxamed Xasan, iyada oo Burcadii ka dambeysay dilkaasi ay baxsadeen.

Sanadkii tegay ee 2019 ayaa dalkaasi Koonfur Afrika dilalkii ugu badnaa waxaa loo geystay Soomaali iyo Itoobiyaan Ganacsi ahaan u jooga dalkaas,iyada oo dowladda Koonfur Afrika aysan wax ka qaban dilalkaas.

Koonfur Afrika Qaybo kamid ah Magaaloyinkeeda Waaweyn waxaa ka jira bandow la xariira Covid 19,Hadana waxaa dhacaya Dilal muwaadiniinta dalkaas ay u geysanayaan Dadka ajaanibta ah.

Safaarada Soomaaliya ee dalkaa ayaa marar badan dowlada dalkaas kala hadashay Sidi loogu Baaqsan lahaa Dilalka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida aadna loo aadkeeyo amaanka Goobaha ay ganacsiyada Xoogani ku leeyihiin Balse arintaas ma aysan dhicin in la sameeyo.