Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka NISA ayaa sheegtay inuu xanuunsan yahay amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye [Abuu Cubaydah], sidaas darteedna xukunka uu ugu wareejiyay ku-xigeenkiisa Abuukar Aadan.

Abuukar ayaa xilka si KMG ah usii heyn doono illaa hogaamiye cusub laga dooranayo.

NISA waxay kaloo sheegtay inuu soo xoogeystay Khilaafka Abu Cubaydah iyo Mahad Karataay, oo madax u ah garabka Sirdoonka [Amiyaatka], kaasoo doonaya in la bedelo hogaanka Kooxda, maadaama uu yahay nin xanuunsan oo shaqada sii wadi karin.

“Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey & garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub,” ayay NISA kusoo qortay Twitter-ka.

Al-Shabaab ayaa dhibaato wayn ku haysan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna dishay kumanaan qof mudadii 12-ka sano ee dagaalka kula jirtay dowladda iyo AMISOM, iyadoo weeraradeeda gaareen dalalka deriska, sida Kenya.

Dagaalka gudaha Kooxda ka socda waa mid fursad u ah dowladda iyo Ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan, waa hadii ay doonayaan inay ka faa’idaystaan oo ay wiiqaan awoodeeda, sidoo kalena wareegaan dhulka ay maamusho.

Hogaanka NISA, Fahad Yaasiin oo ah shaqsi lagu tuhmayo inuu u janjeero dhanka argagaxisadda ayaa mudooyinkii dambe billaabey inuu baraha bulshadda Hay’adda Sirdoonka Qaranka ku baahiyo xogo ku saabsan arrimaha gudaha Al-Shabaab ka jira, taasoo lagu dhaliilay inaysan munaasab ahayn inuu la wadaago dadweynaha.

Halgan Media.