Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya oo Bayaan Kasoo Saartay Dhibaatada ka Dhacday Wardheer.

Xilliyadii u dambeeyay oo dhan waxaa Gobolka Doollo ka jirtay dhibaato ka abuurantay maamulka Gobolka iyo qaabka ay dowlad deegaanku u maaraysay.

Shacbiga ayaa ka biya-diiday magacaabista guddoomiyaha cusub ee Gobolka iyo saami-qaybsiga maamulka Gobolka. Arrintaasi waxay dhalisay banaanbaxyo baahsan. Banaanbaxyadaas waxaa u dambeeyay mid la qabtay Arbacadii oo taariikhdu ahayd 05 June 2019, kaasoo ay ciidammada amaanku xoog ku kala kaxeeyeen dadkii bannaanbaxayay, dhibaatooyin badan iyo xadgudubyo baahsana ay u gaysteen shacbiga.

Waxaa dhaawacyo kala duwan loo gaystay dad shacab ah, oo qaarkood uu dhaawacoodu sii daran yahay. Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay dadwayne aad u badan. Dadka la xidhxidhay waxaa ka mid ah xubno ka tirsan maamulka Xafiiska JWXO ee magaalada Wardheer, oo qaab shirqool ah loo qaqabtay iyagoon wax lug ah ku lahayn bannaanbaxyada ka dhacayay Gobolka.

Bannaanbaxu wuxuu ahaa mid sharci ah oo hay’adaha ammaanka iyo maamulka gobolkuba ay ka warhayeen. Dhibaataduna waxay billaabatay, ka dib markii ciidammada ammaanku ay xabsiga u taxaabeen labo dhalinyaro ah oo bannaanbaxayaasha ka mid ah, kuwaasoo la xidhay iyagoon wax shaqaaqo ah samaynin.

Bannaan baxayaasha ayaa arrintaas ka cadhooday, waxayna sku soo xoomeen meeshii dhalinnyarada lagu xidhay, hase yeeshee maamulkii Gobolka ayaa dalbaday ciidammo Liyu Police ah, kuwaas oo markii ay yimaadeen cagta mariyay dhamaanba dadkii shacabka ahaa ee aagga ka dhawaa, iyagoon cidna u aaba-yeelin.

Ciidamada amaanku waxay weerareen xafiiskii Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Gobolka Doollo, halkaas oo ay gabood-fallo ka gaysteen, iyagoo calankii Jabhadda jeex-jeexay, dhalinyaro xafiiska joogtayna xabsiga u taxaabay. Waxay sidoo kale weerareen xafiisyadii Jabhadda ee magaalooyinka Uubataale iyo Dannood, waxayna qaateen calamo xafiisyada sudhnaa, iyagoo u hanjabay hawlwadeenkii Jabhadda.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) waxay si kulul u cambaaraynaysaa falalka argagixisada ah ee loo gaystay shacbiga sida nabadgalyada ah ugu banaanbaxayay magaalada Wardheer, waxayna dowlad deegaanka uga digaysaa tallaabooyinka noocaas oo kale ah, oo horseedi kara amaan xumo baahsan iyo in dib loogu noqdo marxaladihii laga soo gudbay ee ku dhisnaa cabudhinta iyo xoog ku-muquuninta shacbiga.

Jabhaddu waxay dowlad deegaanka ugu baaqaysaa in ay sida ugu dhakhsaha badan u sii dayso shacbiga xaq-darada ku xidhxidhan, isla markaana ay ka shaqayso sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan Gobolka Doollo, iyadoo la tashanaysa oo dhagaysanaysa tabashooyinka dhamaan shacbiga walaalaha ah ee ku dhaqan Gobolka.

Jabhaddu waxaa kale oo si kulul ay u cambaaraynaysaa xadgudubyada aan dhamaadka lahayn ee hay’adaha dowlad deegaanku kula kacayaan xafiisyada iyo hawlwadeenka Jabhadda. Dhawrkii toddobaad ee u dambeeyay waxay maamulada dowlad deegaanku weerareen oo dhibaatooyin u gaysteen in ka badan 10 Xafiis oo Jabhaddu ay ku leedahay Gobolada dalka iyo hawlwadeenkii ka shaqaynayay. Ilaa iyo hadda maamullada dowlad deegaanku Jabhadda ma ayna soo gaadhsiinin wax cabasho ah oo ay ka tirsanayaan xafiisyada iyo hawlwadeenka Jabhadda.

Jabhaddu waxay dowlad deegaanka uga digaysaa eedaha aan salka iyo raadtoona lahayn ee Jabhadda ay dusha ka saarayso, si ay qiil ugu samayso cabashooyinka ay shacabku kaga cabanayaan maamul xumada iyo xadgudubyada ay kula kacayso. Dawlada ayaa masuul ka noqon doonta cawaaqib xumada ka timaada xubnaha Jabhadda ee loo samaynayo dambiyo ayna lahayn ee maxkamadaha loo diyaarinayo.

Jabhaddu waxay aaminsan tahay in badi dadka hogaanka u haya maamulada Gobolada iyo Dagmooyinka ee dowlad deegaanku ay aaminsan yihiin, kuna shaqaynayaan in ka tirsanaanta ONLF ay dambi tahay.

Jabhaddu waxay u aragtaa in falalka noocan ah ay qayb ka yihiin siyaasadda dowlad deegaanka, arrintaasina ay khatar ku tahay nabad galiyada iyo xasilloonida dalka, isla markaana ay si cad uga hor-imanayso heshiiskii nabadeed ee dhex-maray Jabhadda iyo dowlada Itoobiya.

Jabhaddu waxay dowlad deegaanka ka dalbaysaa in ay jawaab cad oo dag dag ah ka bixiso talaabooyinka sharci darada ah ee Jabhadda ay kula dhaqmayso, isla markaana ay cudurdaar rasmi ah ka bixiso xidhayga sabab la’aanta ah iyo tacaddiyada ay kula kacayso xubnaha iyo hawlwadeenka jabhadda, ayna balanqaado in talaabooyinka noocaas ahi ayna dib dambe u dhacaynin.

Jabhaddu waxay diyaar u tahay in ay dhinaceeda wanaajiso xidhiidhka iyo wadashaqaynta ay la leedahay hay’adaha dowlad deegaanka, isla markaana ay kala shaqayso arimaha amaanka iyo horumarinta nabadda, laakiin uma dulqaadan doonto gabood-fallada sida qorshaysan loogu samaynayo, waxayna qaadi doontaa talaabooyin u gaar ah oo dhibaatooyinkaas lagu xakamaynayo.

Jabhaddu waxay shacbiga ugu baaqaysaa in ayna marna oggolaanin in dib loogu celiyo wixii la soo dhaafay, xaqoodana ay mar walba si nabad galiyo ah u raadsadaan, nabadda iyo xasilloonidana ay ilaaliyaan.

Jabhaddu waxay ciidamada amaanka, gaar ahaan Liyu Police-ka, ugu baaqaysaa in ay ka digtoonaadaan in mar kale shacbigooda loo adeegsado, ogaadaana in ay yihiin ciidamo bulshada u dhexeeya ee ayna ahayn ciidammo uu xisbi gaar ahi danihiisa ku fushado.

Xigasho : Ogaden News Agency (ONA)