Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa qoraal ay ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter-ka waxay muujisay taageero ku saabsan magacaabista Musdhafe Cagjar oo si ku meel gaadh ah loogu magacaabay Madaxwaynaha Ogaadeeniya.

Qoraalkan ay JWXO ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay Jabhadu soo dhawaynayso in Musdhafe Cagjar si ku meel gaadh ah loogu magacaabay Madaxwaynaha Soomaalida Ogaadeeniya.

Dhinaca kale JWXO ayaa walaac ka muujisay faragalinta qayaxan ee ay dawlada Federalka Itoobiya ku hayso shacabka Soomaalida Ogadenia. JWXO ayaa walaac balaadhan ka muujisay qaabka ay dawlada dhexe u soo farogaliso maamulka Soomaalida Ogadenia.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.