Waxaa saaka inta badan xiran waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magalaada Jigjiga, iyadoona ciidamada dheeraad ah la dhigay jidadkaasi.

Ciidadama ammaanka, gaar ahaan kuwa degaanka Somalida ayaa gebi ahaanba gaadiidka u diidaya inay maraan waddooyinka qaar.

Sababta loo xiray dhammaan waddooyinkaasi ayaa waxaa lagu sheegay imaashiyaha Madaxweynayaasha ismamuulka Shucuubta Koonfured, Oromada, Axmaraada iyo kuwa kale.

Dowlad degaanka Somalida ayaa inta badan xirta waddooyinka muhiimka ah, marka ay shirar waa-weyn dhacayaan ama wafdi culus uu imaanayo caasimada Jigjiga.

Halgan Media.