Magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta gaaray Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Jabhada ONLF.

Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay ayuu ku sugnaa magalada Hargeysa ee xaruunta gobolka Waqooyi Galbeed,isaga oo la kulmay madaxda Sare ee mamuulka Hargeysa ,Guddoomiyeyeesha labada Gole ee mamuulka Hargeysa iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan mamuulka gobolka Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magalada Boosaaso ayaa siweyn halkaasi ugu soo dhaweeyey. Hadal kooban oo uu jeediyey ayaa ka mahadceliyey soo dhaweyntii Maanta loogu sameeyey Boosaaso.

Cabdi Kariin Qalbi-Dhagax ayaa horay u sheegay in degmooyin ka tirsan gobolka Bari iyo gobolada dhexe uu booqan doono balse uusan tegi doonin Magalada Muqdisho.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.