Magaalada Dhuusa-mareeb ee xaruunta gobolka Galgaduud waxaa saakay gaaray wefdi uu hogaaminayo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Jabhadda ONLF waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maaamulka Galmudug iyo qeynaha kala duwan ee Buldhada Magaalada Dhuusa-mareeb.

Cabdikariin ayaa loo gudbiyay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusa-mareeb waxaana halkaas uu saacadaha soo socda kulamo kula qaadan doonaan madaxa xukuumadda Galmudug iyo masuuliyiin kale,hadal kooban oo Warbaahinta uu siiyay ayuu ku sheegay in uu ku faraxsanyahay imitinkiisa Magaalada Dhuusa-maree waxaana uu ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Qalbi Dhagax ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug isaga oo halkaas kula kulmay Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.