Masjid ku yaala magaalada Zamboanga ee dalka Philippine ayaa saaka lagu tuuray bam gacmeed waxaana qaraxaas ku dhintay laba ruux halka ay 4 kalena ku dhaawacmeen.

Weerarkaan ayaa la aaminsanyahay in uu yahay aargoosi ka dhashay qarax ay sheegatay kooxda Daacish oo maalinnimadii Axada ahayd lala beegsaday kaniisad ku taala magaalada Jolo ee isla dalkaas.

Dadka qaraxan ku wax yeeloobay ayaa la sheegayaa in ay dhex jiifeen Masjidka xilligii weerarkan uu dhacay. Hay’adda Culimaa`u diinka dalkaas ayaa weerarkan ku tilmaamay weerar argagixisanimo oo ay ka dambeeyeen dad doonaya in ay iska hor keenaan shacabka dalkaas.

Taliyaha Millitariga gobolka Midanao Korneeyl Leonel Nicolas oo Saxaafadda la hadlay ayaa isagana dhankiisa sheegay in weerarkan uusan jawaab u ahayn weerarkii malinnimadii Axada ahayd dhacay.

Madaxwaynaha Philippineska Rodrigo Duterte ayaa sheegay in weerarkan ay ka dambeyso kooxda Abu Sayaaf ee ka dhisan dalkiisa.

21-kii bishan ayaa afti lagu qabtay gobolka Mindanao ayaa lagu go’aansaday in gobolkaas uu samaysto maamul ka madax banana dawladda dhexe ee dalkaas.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.