Jugta Qarax xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay Isgoyska Kaawo Gudey.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xiray gaari aan weli nooca uu ahaa la shaacin,isla markaana waxaa uu ku qarxay xili uu marayay Isgoyska Kaawo Gudey ee kala qeybiya Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley gaar ahaan Suuqa lagu iibiyo Malaayga.

Dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa u sheegay inay maqleen jugta qarax xoogan,isla markaana aysan ogeyn Khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa si deg deg ah u gaaray halkaasi ,iyagoona baaritaano kala duwan ka wada Goobta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.