Qarax aad u xoogan ayaa xalay ka dhacay Hotelka Loo yaqaano “Fact One” oo kuyallo bariga gobolka Wollega ee ismamuulka Oromada.

Warar horudhac ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay kadib laba Bam Gacmeed lagu tuuray agagarka Hotelka. Ugu yaraan hal Qof ayaa dhintaay, iyo sedax kale oo dhawaac garaay, iyadoona Rasaas ay fureen Ciidamada kusugaan Hotelka uu ku dhaawacmay Qof kale, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa kusii qul-qulaya halka uu qaraxu ka dhacay si ay u soo daabulaan dadka wax ku noqday weerarkaasi. Ilaa iyo haatana ma jirto faah faahin intaasi dheer oo ay laamaha amaanku ka bixiyeen qaraxaasi.

Hoos Ka Daawo Sawiirada