Madaxa hay’adda xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu Dowladda Ethiopia ka caawin doono caqabadaha ka haysta xuquul Insaanka.

Mss. Bachelet oo  magaalada Addis Ababa kula kulantay, Madaxweynaha Dalka Ethiopia , Sahle-Work Zewde, ayaa sheegtay in ay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo dhiirri gelin lahaa is-beddelada iyo fursadaha ka jira Dalkaasi.

Michelle Bachelet, ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku hanweyntay hirgelinta waxyaabihii ay ka wada hadleen iyada iyo Madaxweyne, Sahle-Work  Zewde, maaddaama uu golaha Wasiirrada ee dalkaasi yahay kala bar  Dumar, kaas oo ah dalka 1-aad ee muhiimadda siiya haweenka marka la eego  Qaaradda Afrika.

Horraantii 2018-kii, markii la la doortay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxaa Dalka Ethiopia xilal kala duwan oo ay ku jiraan kuwo muhiim ah loo dhiibay Haween , waxaana kala bar golaha wasiirrada laga dhigay Dumar, iyadoo sidoo kale ay Madaxweyne ka noqotay , Sahle-Work Zewde, taas oo keentay in lala dagaallamo musuqa, lana yareeyo tacaddiyada ka dhanka xuquuqul Insaanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.