Hooyo Saynab Cabdulwahaab Aadan, oo ah hooyada dhashay Caasha Ilyaas oo kufsi iyo dil loogu geystay waqooyiga magalaada Gaalkacyo ayaa sheegtay in ay ugu guureen magalaada Wardheere ee xaruunta gobolka Doolo ee Somali Galbeed.
Waxaa ay sheegtay in ay cabsi awgeed uga guureen waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ay maamusho, islamarkaana ay carruurteeda kale u cabsatay. Hooyo Saynab Cabdulwahaab ayaa intaas ku dartay, inay jireen hanjabaadyo soo gaarayay waxaana ay ka hadashay baarista kiiska gabadheedii.
Caasha Ilyaas oo 12 jir ardayad ahayd, ayaa kufsi iyo dil loogu geystay waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo uu maamulo maamulka Puntland.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.