Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in ciidammadii dhawaan galay agagaarka xafiikiisa inay qorsheynayeen inay dilaan isaga. Raysal wasaaraha ayaa faray ciidammada inay isaga la sameeyaan jimicsi isagoo faraxsan oo dhoola caddeynayay.

Baarlamaanka ayuu u sheegay in maalinkaasi uu faraxsanaa balse uu gudaha ka gubanayay. Wuxuu yiri “ xaaladda ciidammada waa la dejiyay, qaar kamid ah ciidammada ayaa la maqlayay iyagoo leh ‘wuxuu baxsaday ka hor inta aanan dilin’ marka, yaanan u qaadanin arrinta mid fudud”

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii, Dacwad oogayaasha Itoobiya ay shan qof ku rideen xukun ah inay argagixiso yihiin kuwaaso isku dayay inay dilaan ra’iisul wasaaraha kaddib markii bamboo gacmeed lagu tuuray isu soo bax siyaasadeed uu ra’iisul wasaaraha dadweyne kula hadlayay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.