Wararka nagasoo gadhaay gobolka Doolo ayaa sheegaya in Koox Burcad ay shalay (12/3/2019) wiil dhalinyaro Ku dileen magalaada Wardheer ee gobolkaasii.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Xassan Cabdillahi Tarabi, ay koox burcad Tooraay ku dileen magalaada siidi ay sheegan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Laamaha amaanka ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan. Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Mamuulka magalaada Wardheer oo ku aadan dilka ruuxaasi shacabka ahaa oo ka dhacay Magaalada Wardheer.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.