Jigjiga (Halgan Media) – Wararka aan ka helayno gudaha Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Oromada ayaa sheegaya in la xidhay masuuliyiin iyo saraakil ciidan isugu jiro, waxaana la sheegay in lagu xidhay gobolka Bali.
Sida ay sheegtay idaacada Ethiopian News Agency (ENA) oo ku hadasho afka Dowlada federalka Itoobiya, ugu yaraan 14 sarkaal ciidan iyo 4 masuuliyiin katirsan Ismaamulka Oromada ayaa la xidhay kadib markii lagu ogaaday inay xasuuqyo iyo gabood folyo amran iyaga oo beegsanayo dadka kasoo jeedo qowmiyadaha kale
Xariga loo geystay masuuliyiintan ayaa ku beegan xili ay Dowlada federalka wado howlgallo ka dhan ah Kacdoon-wadayasha iyo mucaaradka.
Halgan Media.