Maleeyshiyaadka Oromada iyo Ciidamada itoobiyaanka ayaa xero ciidan ku leh degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan, waxaana isa soo taraya Cabshada ka soo yeereysa Dadka ku dhaqan degmada Tuliguuleed.

Cabdullaahi Cilmi oo ka mid ah dadka degaanka ayaa Halgan Media la hadlay, wuxuuna ka hadlay dhibaatooyinka Maleeyshiyaadka Oromada iyo Ciidamada Itoobiyaanku ku hayaan Shacabka ku dhaqan degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.

Cabdullahi Cilmi ayaa sheegey in Maleeyshiyaadka Oromada iyo Ciidamada Itoobiyanku ay degaanka ku hayaan falal Cabsi gelin ah isagoona sheegey in mararka qaar Dadka ay iska dilaan sida marar hore dhacday.

Cabdullaahi ayaa sii sheegey in degmada Tuliguuleed ay ka bixi la’dahay jah wareer Baandow aan waqtiyeysneyn oo habeen iyo maalin ah, xayiraad lagu soo rogey meelaha qaar ganacsigii iyo socodkii gaadiidka oo si aad ah u yaraaday.

Isku soo duuboo Maleeyshiyaadka Oromada ayaa markii ay gacan ku haynta tuuloyinka u dhow degmada Tuliguuleed ay la wareegeen isa soo tarayay falal amni darro oo halkaa ka jiray iyadoona dhowr mar Ciidamada Itoobiyaanka ka qayb galeen Xasuuqa shacabka Soomaaliyeed oo ku hoos nool gumaysiga Itoobiya ee Reer Somali Galbeed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.