Waxaa xalay ilaa saakay xubno taageersan Fahad Yasin iyo Farmaajo oo shirar uga socday Villa Somalia go’aan ku gaareen in Fahad Yasin la difaaco khalad iyo saxba lagu garab istaago si looga bad baadiyo maxkamad.

Waxaa sidoo kale arinkaan dhan ka kale ka wada siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ugu horeeyaan Xasan Shiiq oo cadaadis kala kulmaya Farax Cabdikadir iyo Shiekh Shariif oo isagana cadaadis kala kulmaya mid kamid ah la taliyayaashiisa oo ay Fahad qaraabo yihiin.

Balse waxaa wali socdo soo bandhigista shucuurka shacabka soomeeliyeed iyo sida ay uga xun yihiin dilka foolxumada ah ee Ikran Talil loo gaystay iyadoo la garab istaagay reerka ay ka dhalatay gabadha, waxaana dhici doono banaanbax yo xoog leh oo lagu dalbanaayo cadaalad in loo helo reerka AUN Ikran Tahlil.

Iyadoo taas ay jirto, hadana waxaa socdo dhaq dhaqaaqyo lagu sumcad dilaayo isku soo baxa cadaalad raadinta kaas oo ay ka shaqaynayaan xubno katirsan Villa Somalia si loo marin habaabiyo umada Soomaaliyeed.

Warbaahinta Halgan Media waxay heshay nuqul kamid ah WhatsApp leak lagu diyaariyay qorshaha hawlgal lagu faafinayo been abuur ka dhan ah kiiskaan si loo difaaco Fahad Yasin in lagu ciqaabo dambiga loo haysto ee dilka Ikran Tahlil.

Hoos ka aqriso fariimaha ay is dhaafsadeen kooxda hawlgalkan diyaarisay.

Sawirda WhatsApp leak.

 

Wixii kusoo kordho kala soco Halgan Media